Shirka Amniga Qaranka oo la soo afmeeray (Daawo)

[ Khudbadihii ay jeediyeen Madaxda Dalka ]

Wajiga 2-aad ee shirkii London  ee arrimaha Soomaliya, islamarkaana madaxda  Dowladda Fedraalka ah,  kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta lasoo gabagabeeyey.

Shirka waxa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamuladda Dalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow, ayaa wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in  wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 .

 

Ayub A. Ali  – Idil News.