Wasiir Islow oo ka hadlay Amniga Qaranka halka uu marayo (Maqal)

Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda amniga dalka.

Islow ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso howgala laamaha amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan amaanka Muqdisho iyo gobolada dalka.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen qodobadii kasoo baxay shirkii London ee looga hadlay arrimaha amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.

Dhagayso –

Ayub A. Ali – Idil News.