Xasan Sheekh oo taageeray Shirka Amniga Qaran

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyay shirka Amniga Qaranka ee ka furmay Magaalada Muqdisho kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda kuwa dowlad Goboleedyada iyo Wufuud ka socota beesha Caalamka.

War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa u qornaa sidatan.

“Madasha “Somali Partnership Forum” oo ka furmay magaalada Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul iyo iney ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallinta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee maanta uu dalkeennu la daalaa dhacayo—

Waxaan ku baraarujinayaa madaxda Soomaaliyeed iyo shacab-weynahaba biyo sacabbadaadaa looga dhergaa ee ku tashada “XOOGGIINNA IYO XOOLAHIINNA” adinkoo kaashanaya caalamka intii suurtagal ah –

         Guuleysta insha Allah”

Ayub A. Ali – Idil News.