Baarlamaanka Dowladda Fadaraalka oo kulankoodii maanta qodobo ka soo saaray .

Kulankan,ayaa Waxaa Soo xaadiray Xildhibaano tiradooda gaareyso 141-Mudane, Xildhibaanada ayaa waxaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulanka maanta oo ka koobnaa laba qodob oo kala ahaa.

Qeybinta iyo Akhrinta Qorshe-Howleedka Guddiyada Golaha Shacabka.
Xisaab celinta Gargaarka degdegga gaarka ah ee Xildhibaannada.

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa guda galay ajendaha ugu horeeya ee kulanka iyagoo loo qeybiyay Qorshe Howleedka guddiyada, waxaana ka hor Akhriyay Xildhibaanada hortooda Guddoomiyaasha Guddiyada Golaha oo mid mid u Akhriyay Qorshe howliidkiisa.

waxa ay Mudanayaasha Golaha Shacabka sidoo kale u gudbeen ajendaha labaad ee kulanka iyagoo codsaday in dib loo dhigo ajendaha labaad si Xildhibaanada ay uga yeeshaan dood ku saabsan ajendahaan, Guddomiyaha Golaha ayaana ka ogolaaday mudanayaasha sidoo kalena mudanayasha Golaha Ka codsaday in la dar dargaliyo Howlaha horyaalla Golaha oo ay Shacabka ka sugayaan.

 

Abdirisaq Juba idil News Garowe

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulankii Baarlamaanka ee Maanta

Abdirisaq Juba idil News Garowe