DEG DEG – Taliyihii Saldhigga Waqooyiga Gaalkacyo oo lagu dilay qarax.

Gaalkacyo – Taliyihii Saldhigga Waqooyiga Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe) ayaa ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha uu soo gaaray dhaawac culus, waxaana la geeyay Isbitaal, halkaasoo markii dambe uu ku geeriyooday.

Ciidamada Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan falkan, waxaana qeybo ka mid ah xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo lagu arkay ciidamada.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Mudug qeybta Puntland

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay waxaa uga dhacay qaraxyo noocyo kala duwan, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadii dadka badan ay ku dhinteen uu ka dhacay suuq ku yaalla magaalada.

Ayub A. Ali – Idil News