Falal lagu dili rabay Theresa May oo fashiliyay

Sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta waaweyn ee dalka Ingriiska ayaa waxa ay sheegayaan in sirdoonka dalkaasi uu ka hor tagay qorshe lala damacsanaa in lagu dilo r/wasaaraha dalkaasi Theresa May.

Warbaahinta  The Independent iyo Sky News oo soo xiganaya sirdoonka ayaa sheegay in r/wasaare May la doonayay in boorso laga soo buuxiyay waxyaalo qarxa la doonayay in la dhigo xafiiskeeda Downing Street 10, kadibna halkaasi lagu qarxiyo.

Haddii ay qaraxaasi ka bad-baadi laheyd, waxaa loo qorsheeyay in mindi lagu dilo inta uu khal-khalka qaraxu socdo.

Madaxa sirdoonka MI5 Andrew Parker ayaa sheegay in sannadkan keliya ay ka hor tageen sagaal isku day weerar kaas oo lala damacsanaa xafiisyada kala duwan ee dowladda, waxaana uu arrintan sidoo kale uu ku wargeliyay hay`adaha dowladda iyo siyaasiyiinta.

Labo nin oo da`dooda lagu sheegay 20 iyo 21 ayaa ugu dambeeyay ragga loo qabtay dhacdooyinkan, waxaana lagu eedeeyay dambiga argagixisnimada.

Xafiiska r/wasaaraha oo soo maray marxalado kala duwan oo weerar ah ayaa sannadkii 1991-dii waxaa ay kooxda IRA ku weerareen bomb gacmeed xilligaas oo ay doonayeen in ay ku dilaan r/wasaarihii xilligaasi  John Major kaas oo markaasi ku sugnaa gurigiisa.

Ammanka xafiiskan ayaa an mid aad u adag, marba marka ka dambeysana waa lasii xoojiyaa.