Trump oo maanta u aqoonsanaya Jerusalem caasimadda Israel .

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku dhawaaqo in Mareykanku u aqoonsan yahay magaalada Jerusalem caasimadda Israel, waxaana uu kaga dhawaaqayaa go`aankan magaalada Washington.

Arrintan oo durbaba dhalisay caro xooggan oo dhanka Falastiinta iyo waddamada carabta ah ayaa waxaa ka bilowday dibadbaxyo ku aadan go`aankan cusub ee uu Mareykanku ka qaadanayo arrinta Jerusalem, waxaana xalay kooxo ku mudaaharaadayay Falastiin ay gubeen boorar uu ku sawiran yahay madaxweyne Trump.

Saddex casho oo dibadbaxyo waaweyn ah ayaa looga dhawaaqay dhulka Falastiinta, waxaana sidoo kale la filayaa in dibadbaxyo waaweyn ay iyana ka dhacaan wadamo kale oo carbeed.

Sarkaal ku dhow madaxweyne Trump ayaa sheegay in go`aankan uu qaadanayo madaxweynaha uu dhan walba ka eegay, waxaana usoo baxday in taariikh ahaan magaaladaasi ay Israel leedahay.

Waxa uu sarkaalkan sidoo kale sheegay in ay qaadan doonto wakhti dheer in safaaradda Mareykanka ee Israel loo raro magaalada Jerusalem.

Si kastaba tiro hoggaamiyeyaal carbeed ayaa madaxweyne Trump uga digay goàankan uu qaadanayo, waxa ayna sheegeen in ay arkaan cawaaqib xumo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Ayub A. Ali – Idil News.