Dhegayso :Ciidamo ka tirsan Alshabaab ii isku dhiibay maamulka koonfur galbeed

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixisay rag tirsan Shabaab iyo Gaadiid ay wateen kuwaasoo isku soo dhiibay maamulka koonfur galbeed.

Raggan oo watay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 7 Ruux ayaa isku soo dhiibay Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in raggaan ay ka soo tageen deegaan lagu magacaabo Carabow oo qiyaastii 154 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

HALKAN KA DHEGAYSO CODKA Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.