Taliyihii saldhiga Degmada Xaafuun oo dilay Gudoomiye kuxigeenkii xaafuun .

Gudoomiye ku xigeenkii degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi Xaafuun kadib muran dhex maray.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Muuse Bahaleey oo dhaawac ahaan u jiifay Isbitaalka  Boosaaso ayaa ugu dambeyn geeriyooday dhaawiciisa oo cuslaa aawgiis.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa Warbaahinta  u sheegay in arrintaan ay si kedis ah u dhacday ,wxuuna intaas ku daray in laamaha amnigu arintaas baaris ku hayaan.

Warar ay si hoose Idilnews.com u heshay ayaa sheegaya in labada masuul uu dhex maray muran dhinaca dhulka ah taasoo sababtay in uu u geeriyoodo gudoomiye kuxigeenkii degmada xaafuun ee gobolka karkaar.

 

Abdirisaq Juba idil News Garowe