Cristiano Ronaldo oo ku guulaystay Ballon d’Or .

Laacibka caanka ah ee u ciyaara kooxda Real Madris ayaa xalay ku guuleystay koobkii shanaad ee Ballon d’Or, waxaana uu iminka soo qabtay saaxiibkii Lionel Messi oo ay wada haystaan mid shan koob oo Ballon d’Or ah.

FIFA ayaa sannadkan bilowgiisii u aqoonsatay Cristiano Ronaldo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, waxaana uu halkaasi kala tagay koob kale oo ah kan ciyaaryahanka sannadka.

Mar wax laga weydiiyay dareenkiisa iyo waxa uu haminayo ayaa waxaa uu yiri

– Waxaan haminayaa oo aan rabaa cunug kale in uu ii dhasho, waxaana marka la isu geeyo doonayaa 7 ciyaal ah iyo 7 Ballon d’Or ah”.