Dib u soo celinta shirkadii somali airlines oo muqdisho looga hadlay .

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline.

Kulanka ayaa intii u socdey waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada  C/Raxmaan ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan.

Abdirisak Jubba – Idilnews.com