Dad badan oo lagu dilay rabshadaha u dhexeeya shacabka 2-da Sudan.

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhexeeya kooxo ka mid ah qowmiyadaha dega gobolka Western Lakes ee waqooyiga koonfurta Suudaan.

Weerarka ayaa waxaa soo qaaday dagaalyahanada Pakam, iyagoo ka aargoosanayay weerarro ay horay u gaysteen kooxo dhallinyaro ah oo kasoo jeeda qabaa’ilka Ruop.

Wasiirka Warfaafinta Gobolka Shadrack Bol Maachok ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u culus, islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 45 qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,”.

Wasiirka ayaa sheegay in milatariga Koonfurta Suudaan, ay ciidama u direen caasimadda gobolka, Rumbek, si ay isugu dayaan una joojiyaan rabshadaha kuwaas oo sidoo kale laqu gubayo guryaha iyo hantida.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay korodho xitaa iyada oo howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan ay UNMISS ku qiyaaseyso in ka badan 50 qof.

UNMISS ayaa sheegtay in ay u dirtay ilaalo milateri degaanka si loo yareeyo heerka burburka iyo khasaaraha dadka rayidka ah.

Howlgalka Qaramada Midoobay ayaa intaa raaciyay inay rajeyneyaan in ay la shaqeyaan hoggaamiyeyaasha kooxaha dagaallamaya si ay ugu cadaadiyaan baahida loo qabo in laga hortago weerarrada aargoosiga ah. Waxaan sidoo kale sii xoojin doonaa kormeerayaasha si ay uga hortagaan rabshadaha kale.

Rabshadaha u dhexeeya bulshooyinka iska soo horjeeda ayaa ku badan qaybo ka mid ah Koonfurta Suudaan, oo badanaa ka bilawdo muran ka taagan dhul daaqsimeed mid dhaqameed iyo siyaasadeed. Hase yeeshee dhimashada tirada badan ayaa ah mid aan horay loo arag.