Falastiin oo walaac ka muujiyay Sacuudiga oo hormarinaya danaha Israel.

Maamulka Falastiin ayaa walaac ka muujiyay in Sucuudi Carabiya ay iska indho tirayaan xuquuqda Falastiiniyiinta ee muhiimka ah iyaga oo gacan saar hoose la leh Mareykanka si ay u hormariyaan “gorgortan ka dhan ah iskahorimaadka Falastiiniyiinta iyo Israil kaas oo loogu eexanayo Israel.

Qaar ka mid ah Saraakiisha maamulka Falastiniyiinta oo codsaday in aan la shaacin aqoonsigooda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Amiirka Sacuudiga Mohammad bin Salman uu kala hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas qorshe ka dhan ah xuquuqda ay leeyihiin qaxootiga Falastiiniyiinta inay kusoo laabtaan dhulkooda iyo xaaladda Qudus ee caasimada mustaqbalka Falastiin taas oo badalkeeda ay wax kale helayaan.

Qorshahaas ayaa lagu soo waramayaa in uu qaabeeyay wiilka uu sodoga u yahay madaxwaynaha maraykanka Donald Trump ‘ahna’ lataliyahiisa Jared Kushner, oo xiriir wanaagsan la leh Mohammed bin Salman.

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa walaac ka muujiyay in qorshahaasi loogu daneenayo danaha Israel iyo khasaariha Falastiiniyiinta, oo dhulkooda Israel ay xoog ku qabsadeen.