Falastiiniyiinta oo gubay sawirrada Boqorka Iyo Amiirka Sacuudiga.

Falastiiniyiinta ayaa si xoog leh isuga soo baxay wadooyinka Gaza, si ay uga mudaaharaadaan aqoonsiga Maraykanka ee al-Quds iyagoo gubay sawirrada madaxda Mareykanka iyo Sacuudiga.

Dibad-baxa, oo ay soo abaabuleen kooxda Xoreynta Falastiin (PFLP), ayaa kumanaan qof buux dhaafiyay wadooyinka si ay uga mudaaharaadaan duulaanka ay ku soo qaadeen maraykanka iyo Israil inay kula wareegaan Magaalada barakeesan ee Islaamka.

Dibad-baxayaashu waxay dab qabadsiiyeen calanka Mareykanka iyo Israel, iyo sidoo kale sawirrada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyo boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz iyo wiilkiisa ahna Amiirka dhaxalsugaha Mohammad bin Salman.

Yaacov Nagel, oo ka mid ahaa la taliyayaasha ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo shaqada ka fariistay horaantii sanadkan, ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay inay u huraan ama ay ka doorbidayaan Falastiin iyo dalabkooda xiriirkaay la yeelan karto Israel.