Farmaajo oo dalka ku soo laabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qaybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada.

Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qayb-galay Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowlad kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.