Itoobiya oo war cusub ka soo saartay go’aanka Trump ee Qudus.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in safaaradooda a kusii sugnaan doonto caasimada Israel ee Tel Aviv, inkastoo Madaxweynaha Maraykanka uu u aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israil.

Shir jaraa’id oo uu qabtay, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Meles Alem ayaa u sheegay wariyeyaasha in go’aanka Trump uu ku koobanyahay Maraykanka kaliya. Islamarkaana ay iyaga qayb yihiin Midowga Afrika, oo taageersan xal labada dawladood ah.

Arbacadii hore, December 6, 2017; ayuu Mareykanka si rasmi ah u aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel iyagoo qorsheenaya inay safaaradooda u raraan magaalada barakeesan .

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa tan iyo markaasi dhaleeceeyeen tallaabada Trump oo ay ugu yeedheen dib-u-dhac ku yimid dadaalka nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiin iyo halis ammaan oo ku aaddan gobolka Bariga Dhexe.

Midawga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood walaac ka muujiyeen tallaabada Trump.