Kuuriyada Waqooyi oo ka hortimi go’aanka Trump (Daawo)

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceyn xoog leh u jeedisay kuna tilmaamay “fal aan qummaneyn, iyo ficil xun” go’aanka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku aqoonsaday al-Qudus caasimada Israel, iyaga oo sheegay in tallaabadaasi muujinayso Maraykanka inuu yahay burburiyaha nabada adduunka.”

Wasaarada arimaha dibada ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in xukuumada Pyongyang ay si adag u cambaareyneyso” tallaabada Mareykanka islamarkaana u muujiyay “taageero adag iyo midnimo dadka Falastiiniyiinta iyo Carabta ku dhibtooday inay ku guuleystaan xuquuqdooda sharciga ah.”

“Maraykanka waa in lagula xisaabtama dhammaan natiijooyinka ka iman kara falkan xun,,” ayay raacisay wasaarada.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee North Korea, ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada Trump aysan ahayn mid la yaab leh maadaama uu si cad ugu dhawaaqay burburka guud ee Kuuriyada Waqooyi.

“Tallaabadani waxay si cad ugu muujineysaa adduunka oo dhan burburiyaha nabadda iyo amniga.