Mudaharaadyo ka socda Tel Aviv oo looga soo horjeedo xukuumada Netaniyaho.

Isu soo bax looga soo hojeedo maamul xumida Xukumadda Israa’iil ayaa ka socoda Magaalada Tel Aviv.
waxaana ka qeyb galay kumanaan qof oo Israa’liliyiin ah oo wata  boorar ay kaga soo
horjeedeen kuna  qornaayeen erayo ka tarjumaya sida ay uga so horjeedaan
maamul xumida iyo Musuqa Xukuumada R/wasaare Benjamin Netanyahu.

Boorarka ay dibad-baxyaashaasi wateen ayaa waxaa ku qornaa Midig iyo
bidix midna maya,balse waxaa codsdanaynaa inTalaabo laga qaado Mamulka
Xukuumadda R/wasaare Benjamin Netanyahu.

Isu soo baxaasi oo galay Todobadkiisi Labaad waxay banaan-baxyaashaasi
ka cabanaya wax isdabamarinta iyo musuqa Xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay iskana fogeeyay musuqa lagu eedayay Xukuumadiisa,balse dibadbaxyaasha ayaa ka codsaday R/wasaaraha  inuu xilka iska casilo.

Dhanka kale Xisbiga Likud oo uu ka tirsan yahay Benjamin Netanyahu
ayaa ku eedayay dadka dibabaxa sameyynaya inay doonayaan kala qeybinta
xukuumadda.

Abdirisak Jubba -Idilnews.com