Wasiirada arimaha dibeda Jaamacada carabta oo kulan deg deg ah isugu yimi .

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd ayaa ka sheegay kulanka deg degga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee magaalada  Qaahira ka socda in go’aanka Madaxweynaha Mareykanka ee la xiriira in magaalada Qudus  u aqoonsaday  Caasimadda Israel.

 

Abul-Qeyd  ayaa intaa raaciyay in qaraarkaasi uu gaaraay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha Qudus khuseeya uu yahay mid baadil ah,wuxuuna cadeeyay in qaraarkaasi oo ka soo horjeedo mabiidi’da sugan iyo cahdiga Qaraamada Midoobay oo sheegay in Israel ay magaaladaasi xoog ku haysato iyo waliba dhulalka kale ee dadyowga Falastiin.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd, wuxuu kaloo cadeeyay in go’aanka ay Dowladda Mareykanka qaaday uusan marna waxba ka badaleyn xaqiiqda dhabta ah ee la haansha falastiin magaalada Qudus oo ay Israel sharci daro ku qabsatay, wuxuuna ka codsaday dhamaan Dowladaha  Caalamka inay mareykanka ka hor joogsadaan inay safaradeeda u rarto magaalada Qudus.

 

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Caadil al-jubeyr ayaa ugu baaqay Maraykanka in ka noqoto qaraarka ay magaalada Qudus ugu rarayso safaaradeeda, ayna ilaaliso xuquuqda sharciga ee dhulalka dadyowga xaq u dirirka ah ee Falastiin oo ay Istrael xoog kula wareegtay sanadkii 1948 dii.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar Saamah Shukri ayaa isna shirkaasi ka sheegay in talaabada uu Madaxweynaha Mareykanka qaaday ee la xiriirta Arrimaha Qudus uu yahay mid mandiqada bariga dhaexe u horseeday dhibaato hor leh uuna yahay mid meesha ka saaraya xaqa falastiin ay u leedahay aaya ka talinteeda.

 

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee falastiin Riyaad Maaliki ayaa issna kulunkaasi wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda carabta ka sheegay inay marna geyigaasi nabad waarta ka aslaxeyn ilaa Qudus bari loogu ogolaado Caasimadda dowladda falastiin.

Andirisak Jubba -Idilnews.con