Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Dawlada oo ka dhacay gobolka Hiiran (Maqaal)

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal shalay galab laysugu habeen madowsaday kaas dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka.

Salaad Cabdi Maxamed oo kamid ah maamulka Hiiran ayaa sheegay inay dileen dhowr qof oo ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalana ay gaysteen dhawac aysana jirin iyaga wax dhaawac iyo dhimasho ah oo kasoo gaaray dagaalkii shalay.

Salaad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in iyaga laga gubay Gaari gaadiidkii ay wateen kii ugu horeeyey uuna gabi ahaanba gubtay waxaana uu sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan gaariga Al-Shabaab ay gubtay sida uu sheegay.