Garisa – Xukuumadda Kenyatta oo lagu eedeeyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee magaalada Gaarisa ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya in ay adeegsanayso awood xad-dhaaf ah oo ay ku xadgubayso xuquuqda aadanaha si ay uga hortagto xag-jirnimada gobolka waqooyi-bari.

Kooda xuquuqda aadanaha ee Gaarisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya (KNCHR) ayaa Axaddii sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay, ay heleen in ka badan 100 kiis oo ka dhan ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee deegaanka Gaarisa.

Inta badan kiisaska, waxay yiraahdeen, ayaa la diwaangaliyay ka dib weerarkii Jaamacadda Gaarisa bishii Abriil 2, 2015 kaas oo lagu dilay 148 qof.

Masuuliyiinta xuquuqda aadanaha ayaa ka hadlayay munaasabada lagu calaamadeenayay maalinta 69-aad ee Xuquuqda Aadanaha Caalamiga oo loo dabaal dego bisha December 10-keeda sanad kasta.

Dhibanayaasha xuquuqdooda lagu tuntay waxaa ka mid ah ganacsatada, culimada iyo qaraabadooda, macalimiinta madrassa iyo ganacsatada adeega M-Pesa da.

Madaxa xafiiska xuquuqda bini’aadamka ee laanteeda Gaarisa, Mukhtaar Daahir, ayaa sheegay in xad-gudubyada ay isugu jiraan dilalka sharci darada, afduubka, xarigga sharci-darrada ah, jirdilka, iyo kuwo kale.