Jawaari oo si kulul uga hadlay arinta Qudus .

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Qudus ay tahay Caasimadda Israel.

Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Qudus.

“Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Waxaa uu sheegay in magaalada Qudus ay soo martay waayihii ugu adkaa, isagoo xusay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay aheyd mid khaldan dhib kasta oo ka dhasha ay qaadan doonto mas’uuliyadeeda.

Guddoomiye Jawaari ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka inay qaraar ka soo diyaariyaan arrinta Qudus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sumacada Mareykanka ay hoos u dhacday, waxaa uu ugu baaqay Donald Trump inuu ka laabto go’aankiisa.

Dunida Muslimka iyo caalamka intiisa kale ayaa ka soo horjeestay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka ee uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel, waxaana go’aankaas ka dhashay banana baxyo lagu cambaareynayo, iyadoo cirka isku sii shareertay xiisada Barigga Dhexe.