Muqdisho – Haweenay ka tirsanayd Booliska oo la dilay.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xaafada Jaamacadaha ee Degmada Hodan, dabley hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay halkaasi ku dileen haweenay ka tirsaneyd ciidamada Booliska.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ridwaan Salaad, waxaana ay aheyd gabar dhalinyaro ah oo ka tirsan Booliska, iyadoo wararka ay sheegayaan inay baxsadeen dableydii dilka gaysatay.

Haweenaydan ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore ee gurigeeda, xilli ay halkaasi fadhisay.

Ciidamada Booliska Somaliya oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen maydka gabadha la dilay.

Al Shabaab ayaa beegsada dhalinyarada ka tirsan ciidamada ee u taagan difaaca dalkooda.