Ma dhabaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Beri Subax lasii dayn doono?

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maalinka beri fog ah la sii dayn doono Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay ciidamada amaanka dowlada Fadaralka xalay gurigiisa weerareen kana kaxaysteen.
 
Hawlgalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday afar kamid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
 
Hadaba warar aan ka soo xiganay ilo gaar ah oo aan si buuxda loo xaqiijin karin xaqiiqo ahaantooda,ayaa sheegaya in kulan alaabadu uxirnaa oo tan iyo galabta udhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo waxgaradka beesha Habargidir uu kusoo idlaaday in beri subax lasii daayo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
 
”Abdirahman Abdishakur Warsame beri Subax ayaa lasoo daynayaa kadib kulan la isku jilba laabtay oo caawa Villa Soonaaliya ku dhex maray Farmaajo iyo Guddi ay iska sok dhex saareen Xildhibaanada iyo Odoyaasha Beesha Habar Gidir kaasoo qaatay saacado si weyna la isugu goodiyay, waxaana saacad ka hor Lix kamid Guddigaasi ay booqdeen Abdirahman Abdishakuur Warsame oo ku xiran Xabsiga Habar Khadiijo ee NISA maamusho kuwaasoo la socodsiiyeen in Subaxnimada hore dib Xoriyadooda u heli doonaan uuna amray FARMAAJO oo sheegay inuusan howl-galkaasi waxba kala socon balse sii deyntiisa kadib la qaadi doono talaabadda ku haboon ficilkii xalay Muqdisho ka dhacay ee DHIIGA ku daatay.”warka ayaa sidaa sheegaya…
 
 
Dad badan ayaa qaba hadii warkan dhaboobo oo maalinka beri ah lasii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur magdhawna laga bixiyo Afartii ilaaladiisa ka midka ahayd ee geeriyooday in hogaaminta Madaxweyne Farmaajo aysan gaari doonin 2018-ka oo ay si deg-deg ah ksuoo afjarmi doonto.
 
Kala soco Idil News waxii kasoo kordha warkan iyo xaqiijintiisa.