Xoosh Jibril Oo khilaafay siyaasada Dowladiisa kana hor yimid Amarka Wasiirka Amniga

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hor-yimid amar ka soo baxay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaasoo ahaa in aanay cidna shir qabsan karin, iyadoo aanay fasax ka heysan Hey’addaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir.
 
Wasiir Xoosh ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray inay qalad aheyd amarkaas, isla markaana ka hor imaaneysa Dastuurka
 
“Waxaan hadda daawaday shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Amniga Gudaha Mr Islow oo uu ku yiri Cidna shir gaar ah ma qabsan karto, iyadoo aysan fasax ka heysan dowladda, hagaag, taasi waa qalad, Dastuurka ayaa u ogolaanaya Xoriyadda ah in cid walba ay qabsan karto shirar iyo isu imaadyo”ayuu yiri Wasiir Xoosh oo intaa ku daray in qodobka 16aad iyo 20aad ee Dastuurka u ogolaanayo.
 
Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay soo saarayay amaro is daba joog ah oo ay uga gol leeyihiin hakinta shirar iyaasadeed ee ka dhan ah dowladda,sidoo kale waxaa galabta laga hor istaagay kulan ay ku qabsan lahayeen Hotel SYL Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Fadaraalka Somaliya.
 
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa kacsan waxaana jira warar sheegaya in maleeshiyo beeleedyo lagu urursanayo qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.
 
Dhanka kale waxaa isa soo taraya warar aan la xaqiijin karin oo sheegaya in kulankii galabta ilaa caawa usocday Madaxweyne Farmaajo iyo waxagaradka beesha Habargidir uu kusoo idlaaday in maalinka beri subax ah lasii daayo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur,isla markaana dowladu magdhaw ka bixiso ilaaladiisii la laayay xiligii la qabanayay.