Dhagayso:-Cumar Cabdirashiid”Caburinta siyaasiga mucaaradka ah waa kaligii talisnimo iyo dib u dhac iyo arrin khatarteeda leh”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa si xooggan u cambaareeyey xarigga loo gaystay siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur oo habeenkii Axaddii ay xireen ciidamada dawladda Soomaaliya kadib markii ay weerareen guri uu degganaa.
 
Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in siyaasigaasi si degdeg ah loo sii daayo. Weriyahayaga Jacfar Kuukaay ayuu uga warramay dareenkiisa xariggaasi.
 
”Caburinta siyaasiga mucaaradka ah waa kaligii talisnimo iyo dib u dhac iyo arrin khatarteeda leh.Siyaasiga hadii la soo eedeeyo waa in sifo sharci ah loo maraa”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
 
Isagoo hadalkiis asii wata ayuu yiri Cumar”Hadii dowladu, Imaaraatka khatar u arkaan ha u bareereen oo yaysan shacabka iyo siyaasiyiinta ku meeraysan ee toos ha u abaaraan”
 
 
Hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Cumar Cabdirashiid Sharmarke