Video:-Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lasii daayay Ugu danbayntii

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya xabsiga kasii deysay siyaasiga Cbadiraxman Cabdshakur, saddex maalmood kadib marki ay ciidanka ka xireen gurigiisa.
 
Wali ma cadda in cafis lagu sii daayay iyo in ay jiraan shuruudo, hase yeeshee Isniitii lasoo dhaafay ayay Dowlada Soomaaliya sheegtay in Cabdiraxman uu wajahayo eedeymo la xiriira khiyaano qaran iyo dowlad dumis.
 
Weerar ay habeenki Axadda ee aanu kasoo gudubnay gurigiisa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya, ayaa lagu xiray Cabdiraxman Cabdshakur. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay shan ruux,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka