Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah Oo soo dhaweeyay sii daynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Golaha Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah,ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga hadleen sii deyntii xalay ee Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasi oo habeenkii 18-kii bishan lagu soo qabtay Howlgal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay guriga Muqdisho uu ka degan yahay.
 
Golaha Iskaashiga Dowladaha xubnahaha ka ah dowlada Fadaraalka ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday howlgalkaas, waxaa uu Goluhu sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu isha ku hayay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen in hadii aan xal siyaasadeed oo deg deg laga gaarin saameyn xooggan ku yeelan karto degenaanshaha iyo xasiloonida dalka.
Halkan ka akhriso:-