Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaamka Puntland qaarkood Oo gaaray Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland,kuwaasoo oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi .
 
Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland ee gaaray Muqdisho,ayaa casuumad ka helay Gudoonka Golaha shacabka Fadaraalka Somaliya.
 
Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee magaalada Muqdisho Gudoonka iyo Xildhibaanada golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya.
 
Casuumadan ayaa daba socotay socdaal ay kal hore ku gaareen Puntland Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka.
 
Dhanka kale Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland,ayaa waxaa isla maanta uga furmay xarunta Golaha shacabka Fadaraalka Somaliya kulamo.
 
Kulankan oo uu Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cismaan jawaari,ayaa looga hadlay wada-shaqeynta Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo kan Dowlada Puntland.
 
Waxaa la filayaa in kulamadan ay sii socdaan maalmaha soo socda kana soo baxaan heshiis wada shaqayneed oo dhexmara labada baarlamaan.