Hoobiyayashii lagu weerari jiray Villa Somaliya Oo dib Usoo laabtay

Tiro Hoobiyaal ah ayaa Goor Dhow ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan inta u dhexeysa Gurigii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde iyo Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya.
 
Saddex kamid ah Hoobiyaasha ay ku soo dhacay Aaggaas,iyadoo Hoobiyaasha ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada aysan Qarxin.
 
Ma jirto wax Khasaare ah oo ay sababeen Hoobiyaasha ku soo dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada,waxaana aan la ogeyn Jihada laga soo tuuray Hoobiyaasha Maanta soo dhacay.
 
Weerarkna ayaa waji gabax ku ah sheegashada Dowlada Somaliya ee ah in ay ku guulaysatay sugida amniga Muqdisho.
 
Shalay ayay ahayd Markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid uu codsaday in sugida amniga Muqdisho lagu soo wareejiyo maamulkiisa.