Jeneral Siciid Dheere Oo digniin U diray Ganacasatada Mudug iyo weerarkii Jeexdin Oo loo qabtay Shaqsiyaad

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere)oo Saxaafadda la hadlayay, ayaa sheegay in ay jiraan Dad reer Mudug ah oo ka qeyb qaata Dagaalada Qabiilka ku saleysan ee ka dhaca Dhulka Miyiga ah ee Gobolka Mudug.
 
Jen.Saciid Dheere ayaa sheegay in Dad ubadan Ganacsatada Gobolka iyo Haweenka ay qeyb ka yihiin Dadka Huriya Colaaddaha Gobolka.
 
Talyaha ayaa ugu baaqay in ay Joojiyaan ka shaqaynta hurinta colaadaha Dhiiga Dadka Islaamka ah uu ku daadanayo ee ku nool Gobolka Mudug.
 
Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Puntland iyo maamulka Galmudug ay Magaalada Gaalkacyo ku kala Saxiixdeen Heshiis Nabadeed oo lagu soo Afjarayo Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug.
 
Hadalka Talyaha, ayaa ka danbeeyay kadib markii dagaal dhaawac iyo dhimasho dhaliyay uu ka dhacay Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug,kaasoo ay qaadeen Xoolo dhaqato hubaysan oo kasoo jeeda Puntland.
 
Maamulka Gobolka,Laamaha amaanka iyo islaaanka Guud ee Mudug Islaan Bashiir islaan Cabdulle oo ka jawaabayay weerarkaas iyo jabinta heshiiskii ka horeeyay,ayaa waxay talaabo ka qaadeen cidii ka danbaysay weerarkaas waxaana laamaha amaanka Mudug ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaadkii abaabulay weerarkaas,kuwaasoo hada ku xiran xabsiga Gaalkacyo.
Sidoo kale Gudi uu hogaaminayo Islaan Bashiir waxay fuliyeen balantii horay loo galay ee ku qornayd heshiiska lakala saxiixday,waxayna ku wareejiyeen maamulka Galmudug iyo waxgaradka dhainaca kale 10.000 oo dolar oo xaalmarisa,1000 dolar oo duug ah ,Qori iyo Magtii Nin ku naf waayay weerarkaas oo kasoo jeeday dhanka Galmudug.
 
Waxaa muuqata in labada dhinac ee Mudug ay xiligan ka go’an tahay adkaynta amaanka iyo talaabo ka qaadida shaqsiyaadka huriya colaadaha labada dhinac dhex mara mar walba.