Video:-Faroole Oo Eedeyn kulul Usoo jeediyay Wasiir Xoosh iyo Gudoomiye Jawaari

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroolle oo katirsan aqalka sare ee baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ,yaa shir jaraa’id oo uu saakay ku qabtay hoygiisa magaalada Garowe waxaa uu ku eedeeyey Wasiirka dastuurka iyo guddoomiyaha baarlamaanka inay faraha kula jiraan shaqooyin aan kuwooda ahayn.

Dr Faroole ayaa sheegay mar haddii la dhisay aqalka sare ee baarlamaanka Fadaraalka ah inay tahay inay howsha dastuurka iyo faderaalka ee dalka iyagu la wareegaan, balse waxaa uu sheegay inay jiraan dad la diriraya nidaamka faderaalka oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Prof Jawaari oo adeegsanaysa Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Faroolle ayaa ugu baaqay Jawaari in uu faraha kala baxo arrimaha uu faragalinta uu ku hayo ee uu ku casuumayo xildhibaanada baarlamaanka ee dowlad goboleedyada si looga dhaadhiciyo inay taageeraan nidaamka dastuurka iyo qodobada ay ka saareen dadka diidan nidaamka faderaalka.

Hay’adda UNDP iyo wakiilka gaarka ah ee QM ayuu ugu baaqay inay joojiyaan maalgelinta barnaamijka dastuurka oo uu sheegay in lagula dirirayo nidaamka faderaalka ee dalka uu qaatay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka