Video:-Xildhibaan Shuuriye”Farmaajo khiyaamo qaran ayuu galay Mooshin ayaana ka yaal”

Cabdisaabir  Nuur Shuuriye oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya oo maanta hadal uu saxaafada siiyay si cad ugu sheegay in Mooshin xilka looga qaadayo ay keeni doonaan dhawaan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.
 
Xildhibaan Shuuriye ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay khiyaano qaran waxuuna tusaale usoo qaatay oo saldhig uga dhigay eedaymihiisaa qodobo ay ka mid yihiin dhiibistii Qalbidhagax iyo weerarkii guriga Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
 
Shuuriye waxuu yiri”Waxaan usheegayaa shacabka Somaliyed in Mooshin ka yaal Madaxweynaha kaasoo ah aan ahayn Qaran dumisnimo,balse uu yahay mid wax toosin iyo isla xisaabtan ku salaysan’
 
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Xildhibaan Shuuriye”Maxaan uhaysanaynaa Madaxweyne xun oo fashilmay waa in aan iska badalnaa oo mid kale keenaa kaasna aan badalnaa haduu kufo”.
 
Hadaladan maanta kasoo yeeray Xildhibaan Shuuriye mahan kuwo lala yaabo,balse waxaa la oran karaa waa war maalmahan suuqa laysal dhexmarayo.
 
Xildhibaano gaaraya Kontomeeyo ayaa wararku sheegayaan in ay wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo,
 
Xogaha qaar ayaaba sheegaya in sababtii ay uweerareen Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Xamar Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ahayd ka hortag laga hortagayo qorshahaas.
 
Hadaba shir saxaafadeedka uuqabtay Xildhibaan Shuuriye oo dhamaystiran hoos ka daawo.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka