AQOON KORORSI.WQ.Cabdullaahi M. Cawsey

AQOON KORORSI

Marwalba oo madaxweyne ka socda dawladda Federaalka uu booqdo Puntland waxaa suuqa la soo galiyaa khuraafaad badan oo sumcada looga dilayo nidaamka Federaalka

Khuraafaadkaas waxaa ka mid ah in Soomaaliya dawlado loo kala qaybiyay oo dalkii balaayo u tashatay. Khuraafaadka noocan ah waxaa loo cuskadaa tusaale ku saabsan sida la isku barbardhigay calanka Soomaaliya iyo calanka dawlad goboleedka markaas martida loo yahay.

Khuraafaadka noocan ah waxaa looga caafimaadi karaa in dadka la baro aqoon ku saabsan qaabka nidaamka federaalka ah u shaqeeyo.

 

 

Tusaale ahaan wadankan Canada ee aan ku noolahay waxaa lagu dhaqmaa nidaamka federaalka ah. Marwalba oo Raysulwazaaraha Canada booqanayo mid ka mid ah dawlad goboleedyada dalka, waxaa la is barbardhigaa calanka guud ee Canada iyo calanka dawlad goboleedka markaas martida loo yahay.

Tusaale ahaan, sawirka hoos ka muuqda, waa Raysulwazaaraha Canada oo booqanaya dawlad goboleedka Alberta. Sidaa daraadeedna waxa la is barbardhigay calanka Canada iyo calanka Alberta markii ay kulmayeen islaanta madaxda u ah dawlad goboleedkaas iyo Raysulwazaaraha.

Federaalku waa sida raashin federeeshin ah oo kale. Haddii bariis iyo baasto federeeshin ah lagu qadeeyo macnahadeedu ma ahan in qadadii lakala qaybiyay. Sidoo kale haddii dawlad goboleedyo dhowr ah la dhiso, dabadeedna qaab federeeshin wax u qaybsadaan, macnahaeedu ma ahan in qarannimadii Soomaaliya lakala qaybiyay.

 

 

Cabdullaahi M. Cawsey