Golaha Xukuumada Fadaraalka iyo Golaha xukuumada Puntland Oo kulan wada qaatay

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa caawa oo taariikhdy tahay 07 January 2018 ka qayb galay kulan wadatashi ah oo udhexeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland.

Madaxwaynaha aya waxaa kulanka wada tashiga ku wehelinayay Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, golayaasha dawladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Kullankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyadda Puntland  waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka, Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah, waxaa kaloo looga hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somali airline.

sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

ugu danabayn madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo wefdiga uu  hogaaminayo ayaa inta uu joogaan caasimadda dawladda Puntland  waxaa uu kualamo laqaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada .

 -DHAMMAAD-