Sawiro +Video:-Daawo soo dhaweyntii la yaabka lahayd Ee Madaxweyne Farmaajo Garowe iyo maanta

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiwe Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 07 January 2018 ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland  Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa waxaa soo dhawaynta madaxweynaha ku wehelinyey Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, Gudoomiyaha golaha wakiilada, golayaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmadada, saraakiisha ciidamada, saraakiisha madaxtooyada dawladda Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garoowe.

Madaxwaynaha Jamhuriyada Federaalka ee somaliya iyo Weftigiisa ayaa waxa ay kasoo kicitimeen Magaalada Muqdisho, waxayna u yimaadeen magaalada Garoowe in ay ka qayb galaan munaasabadda 08 January oo ah sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtay markii uu xilka qabtay Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla mar ahaantaana ay kaqayb qaataan xaflada furitaanka iyo xadhig jarka garoonka cusub ee diyaaradaha ee magaalada Garoowe, kaas oo dhismihiisi uu soo gebageboobay.

Madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaliya ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Garoowe waxaa uu salaan sharaf kaqaatay cutubyo katirsan ciidanka Dawladda Puntland, kadib madaxwanaha ayaa mid mid ugacan qaaday madaxdii iyo dadweynihii soo dhaweeyey.

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa waxa ay socod ku soo mareen wadooyinka waayayn ee magaalada Garoowe waxaana uu Madxwaynuha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga mahad celiyay Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhawaynta balaadhan ee ay usameeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay munaasibadii soo dhoweynta Mdaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa hadal kooban oo jeediyey waxaa ka mida ahaa:-

“waxaa maanta sharaf wayn inoo ah in aan halkaan ku soo dhawayno Madaxwaynaha dawladda federaalka ah ee soomaaliya mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho noogu yimi, madaxwayne ku soo dhawoow Puntland oo ku jecel soomaalinimadana jecel.

“dadka reer Puntland waxay diyaar uyihiin in ay kugu soo dhaweeyeen qalbi furan iyo gacmo furan si aad xaalada ay kusuganyihiin iyo horumarka kasocda, iyo dawladnimada ka jirta aad aragtid lana qaybsatid talooyinkaaga iyo fikirkaaga dawladnimona diyaar u ah in ay dhegaystaan ka qayb qaataan horumarka Soomaaliya iyo geedi usocodka nabadda Soomaaliya si ay Soomaaliya u gaarto qarannimo iyo dawladnimo hagaagsan,

si uu usoo noqdo nidaamkii iyo horumarkii Soomaaliya lagu aqoon jiray.

Madaxwaynuhu wuu inala jogayaa mudo dhawr beri ah wxaana uu arki doonaa dalka iyo nabada kajirta iyo weliba dawladnimda Puntland”.

ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland.

Siodoo kale waxaa isna ka mahad celiyay soo dhawayntaas madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya.

“waxaan maanta runtii sii aad  ugu faraxsanahay in aan socdaal ku joogo magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, mudane madaxwayne adiga iyo dawladaadaba sida sharafta leh ee wanaagsan ee aad noogu soo dhawayseen aniga yo wefdigayga waan idiinka mahadcelinaynaa.”

“laja jeer oo hore ayaan ka baaqanay duruufo jira awgeed, maanta se aad ayaan ugu faraxsanahay in aan intaas oo qof oo reer Puntland ah si wanaagsan noo soo dhaweeyaan oo jidadka taagnaadaan oo ay calamo qoyan ay nagu soo dhaweeyaan, aad iyo aad  ayaan uga mahad celinaayaa aadna waan ugu faraxsanahay.

“halkaan waxaan u imi in aan ogaano xaalada halka ka jirta oo ay kaw katahay  nabadda in aan xoojino aan aan ka shaqayno dib u heshiisiinta, waxaan jeclahay in aan tago dhawr magaalo oo aan dadka la kulmo, sida cuqaasha salaadiinta waxgaradka,ardayda jaamacadaha, iyo dhammaan qaybaha bulshada.aayuu yiri Madaxwayne farmaajo

ugu danabay wefdigaan uu hogaaminayo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliaya ayaa maalmahaan fooda inaku soo haya sii joogi doona deegaanada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka