Dowlada Maraykanka Oo Gaadiid Ugu deeqday Dowlada Fadaraalka Somaliya

Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta lagu wareejiyay 6-gaadiidka nooca aan xabadu karin ah.
Ggaadiidkan ayaa waxaa ku wareejisay Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka Somaliya Dowlada Maraykanka.
 
Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Federalka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kala wareegay Gaadiidkan saraakiil ka socotay dowlada Maraykanka.
 
Dowlada Mareykanka ayaa ka taageeraysa dowlada Soomaaliya qalabeynta, tababarka iyo taakuleynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya.
 
Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Trump waxaa dardar xoog leh galay ku lug lahaanshaha dowlada Maraykanka ee arimaha la dagaalnka argagixisada iyo qalabaynta ciidamada Milatariga Somaliya.