Video:-Saxaafada caalamiga ah Oo Somaliland ku karbaashtay weerarkii Tukaraq

Maleeshiyo qaswadayaal ah oo soo weeraray Saldhig Ciidan oo Puntland leedahay,sidaa waxaa yiri Tv-ga caalamiga ah ee CCTN.

Sidoo kale wariye Cabdicasiis Bilaw oo ah wariyaha uga soo warama Tv-ga Somaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, iyadoo Puntland ay ku mashquulsan tahay mashaariic horumarineed iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaalanka argagixisada ayay Maleeshiyadan soo weerartay Saldhigooda milatari.

Warbixintan ayaa muujinaysa oo banaanka soo dhigaysa xaqiiqda ka jirta halkaas,sidoo kale waxay daaha ka qaaday doorka Puntland ee la dagaalanka argagixisada caalamiga ah iyo horumarinta kaabayaasaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Warbixintan ayaa dharbaaxo Diblomaasiyadeed iyo mid saxaafadeedba ku ah maamulka beesha Isaaq ay ku cadgoosato ee Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka