Madaafiic lagu garaacay Qasriga Madaxtooyada dowlada Fadaraalka(Villa Somaliya)

Goor-dhaweyd amadaafiic ayaa lagu garaacay Madaxtooyada dowlada Fadaraalka Somaliya,waxyn ku soo dhaceen meel u dhaw madaxtooyada,iyadoo ay ka dhasheen khasaaro dhaawacyo ubadan.
 
Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya,
 
Afar-qof ayaa ku dhaawacmay,sidoo kale waxaa jira dhimasho ana wali la shaacin inta ay gaarayso.
 
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale Guriga Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.
 
Si cad looma oga halka sida rasmiga ah looga soo riday hoobiyaashan, balse waxaa iska cad in laga soo riday meel ka mid ah gudaha Magaalada Muqdisho.