Madaxweyne Farmaajo iyo waftigisii Oo kusii jeeda Bosaso Saacado kadib

Madaxweynaha dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo waftigisii oo xalay ku hoyday Magaalada Qardho,ayaa saakay waxa uu sii watay booqashadisii uu ku marayay Gobolada bari ee Puntland,waxuuna goor dhawayd gaaray Magaalada sheerbi,
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Sheerbi.
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa saacado kadib waxa qorshuhu yahay in ay gaaraan Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland halkaas oo ay dadweyne fara badan oo diyaar u ah soo dhaweyntiisa ay ku sugayaan banaanka hore ee Magaalada.
 
Waftiga Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo ee ka yimid Fadaraalka,ayaa waxaa galbinaya oo socdaalka kula jira Madaxweynaha dowlada Puntland iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Puntland.