Xaliimo yareey Oo lagu xiray Dhuusamareeb iyo Maamulka Ahlusunna Oo beeniyay

Warka ka imaanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gal-guduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo la sheegay inay ka tirsan-yihiin maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ay xireen gudoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey).
 
Goob joogayaal ayaa sheegay in gawaari ay la socotay guddoomiyaha iyo xubno 10 ka badan oo ka tirsan shaqaalaha guddiga doorashada oo ka tagay magaalada Guriceel kuna sii jeeday Dhuusa-Mareeb lagu joojiyay kantoroolka magaalada Dhuusamareeb, ka dibna xabsiga loo taxaabay.
 
Dhanka kale Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee ka arimiya Dedmadaas,ayaa beeniyay in la xiray guddoomiye Xaliimo Yareey,waxayse sheegeen in cid kasta oo soo galeysa degmada baaritaan lagu sameeyo.
 
 
Idil News Galkacyo.