Alshabaab Oo sheegtay in ay si buuxad ula wareegeen Daynuunaay

Wararka laga helayo Degaanka goofgaduud Buurey iyo deynuunaay ee gobalka Bay,ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen deegaankaas,islamarkaana ay u suura gashaty in ay halkaas la wareegaan.
 
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.
 
Shabaab ayaa weerarka soo qaaday Salaadii Subax ee saaka, iyadoo dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan uu ka dhacay deegaanada Daynuunay iyo Goof-gaduud Buurey.
 
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen hubka culus ee la isu adeegsanayay.
 
War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Degaanada guufgaduud Buurey iyo Daynuunay ee gobalka bay.
 
Saraakiil ka tirsan Maamulka koonfor- galbeed,ayaa dhankooda beeniyay sheegasada alshabaab ee ah in ay qabsadeen Deegaamadaas,waxayna warbaahinta usheegeen in Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Deegaanada Goofgaduud iyo Daynuunay ee Gobalka Bay,islamarkaana ay iska caabiyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed.
 
Majiraan ilo madax banaan oo xaqiijinkara sheegashada labada dhinac ee sika soo horjeeda.