Dhuusamareeb Oo ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo waftgiii uu hoggaaminayay, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-Mareeb.
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa oo socdaal dhulka ah ku maraya gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.
 
Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-Mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen garabyada Cadaado iyo Guriceel ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.
 
Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku sii qulqulayay wufuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.
 
Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay ciidamo hubeysan.