Maxaa sababay baaqashada safarkii Madaxweyne Gaas Ee Dhuusamareeb?

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo Maanta u bixi-lahaa Dhuuso-mareeb socdaal uu uga qaybgali lahaa dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,ayaa dib uga laabtey Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

Dib uga laabashada garoonka diyaaradaha ee Madxaweynaha iyo waftigiisa,ayaa ka danbaysay kadib Markii Diyaaradii Qaramada midoobey ee qaadi-lahayd ay diiday in ay qaado boorsooyinka madaxda baaritaan la’aan.

Masuuliyiinta Diyaarada ayaa Ku andacoonayay in Bad-baada diyaarada ay ka bilaabato dhulka sidaas Daraadeedna ay waajib tahay in labaaro agabka ay madaxdu wataan,balse talabaadaas waxaa diiday oo ka hor yimid masuuliyiinta Madaxtooyada Puntland dibna uceliyay waftigii Madaxweynuhu uu hogaaminyay ee ku wajahnaa Dhuusamareeb.

Ugu Danbayntii waxaa ka kacday garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo diyaaradii oo aanan wax rakaab ah qaadin.

Saraakiisha madaxtooyada Puntland,ayaa ku doodaya in hab dhaqanka at sameeyeen shaqaalaha diyaarada ee Qaramada Midoobey at bahdil iyo maqaab xumo ku tahay nidaamka dowliga ah iyo hanaanka diblomaasi ee caalamiga ah.

Madaxtooyada Puntland ayaa la filayaa in at ka hadasho dhacdadan iyo baaqashada Madaxweynaha.