Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Oo ku wajahan Guriceel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraaliga ah ee Somaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa maanta lagu wadaa inuu u Ambabaxo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

 Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka socota  Qaban qaabada dadweynuhu ay ugu jiraan Soo dhaweynta Madaxweynahaha iyo waftigiisa..

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa la filayaa in saacadaha inagu soo aadan ay gaaran magaaladaasi , waxaana uu Madaxweynaha halkaasi kula kulmayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Guriceel isagoona ka xogwaraysan doona baahiyaha ka jira deegaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa soo gaba gabayn doona dhawaan  Socdaalkiisii Nabada ee uu ku marayay Gobolada dalka.

 

 

 
%d bloggers like this: