Odoyaasha beelaha Hawiye Oo ka hor yimid go’aankii Madaxweyne Farmaajo

Shir 7-saacadood qaatay oo xalay ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye,ayaa lagga soo saaray bayaan madaxda sare loogu sheegaayo in ay waajib tahay in uu qabsoomo shirka looga tashanayo aayaha gobolka Banaadir.
 
Sidoo kale war saxaafadeedka kasoo baxay shirkan ayaa loogu digay madaxda sare ee dowlada Fadaraalka in aysan ku deg degin go’aan ka qaadashada dhulka dowlada ee ku yaal Xamar kaligiis,waxaana lagu yiri warxafadaeedka.
 
”Dhulka Hantida dowlada waxuu ku yaalaa dalkoo dhan hadii gudi loo saarayo ama go’aan laga qaadanayo waa in uu dalkoo dhna saameeyaa oo uusan noqon mid Xamar kusoo kooman”.
Halkan ka akhriso war Saxaafadeedka:-