Taabid Oo loo doortay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano Ee soo socota

Doorasho caawa ka dhacday Xarunta Aqalka dowladda Hoose,ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
 
17-ka Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmooyinka ayaa Guddoomiye Taabid Cabdi u doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.
 
Wararka ayaa intaa ku daraya in 70 xubnood oo isugu jira Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xubnaha golaha deegaanka degmooyinka ay doorasho u dhacday qaab gacan taag ugu codeeyeen.
 
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada Mr Ereg ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo xusay in golayaasha degmooyinka ay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.
 
Arrintan ayaa sii xoojineysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay cirka isku sii shareeraysay,taasoo ka dhalatay arrinta Maqaamka Caasimadda.