Dhagayso:-Muranka Maqaabka Muqdisho iyo xilka qaadista Taabid

Wareegto kasoo baxdayXxafiiska Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya saaka ayaa xilkii looga qaaday Duqii magaalada Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi loo magacaabay Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hayey xilka wasiirka warfaafinta. Tallaabadan ayaa timid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Guddoomiye Thaabit iyo madaxda dawladda federaalka.
 
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa aaminsan in khilaafka siyaasadeed ee keenay in shaqada laga cayriyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir uu dhinaca kale ka yahay mid dastuuri ah oo aan weli la xallin kaasi oo la xiriira maqaamka caaismadda Muqdishu ee mustaqbalka. Haddaba sidee lagu xallin karaa maqaamka caaismadda?.
 
Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa wax laga waydiiyay Sahra Cumar Maalin oo ka mid ahayd khubaradii qoraysay dastuurka hadda jira ee Soomaaliya,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.
Halkan ka dhagayso codka Sahra.