Ururka Suxufiyiinta Qurba joogta Puntland Oo canbaareeyay Warbixinta BBC-da

Ururka suxufiyiinta qurba joogta Puntland ee marka la soo gaabiyo magacooda afka qalaad lagu yiraahdo PDJ Puntland diaspora journalist waxay marka hore uga mahadcelinayaan dowladda iyo shacabka Puntland soo dhawayntii balaarayd ee ay u sameeyeen madaxwaynaha dowlad federaalka Soomaaliya Mohamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan socdaal ku soo gabagabeeyay dhulka Puntland.
 
Wax jiraa marqaatiya waxayse dowladda iyo shacabka Puntland muujiyeen inay dareensanyihiin in Soomaali waxa ka maqani yihiin dowladda dhexe oo gudata waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka, sidoo kale waxay shacabka reer Puntland muujiyeen qiimaha ay leedahay wada shaqaynta shacab iyo dowladdu.
 
Dhanka kale ururka suxufiinta qurba jooga Puntland waxay Cambaaraynayaan hay’addda Warbaahinta BBC da qaybteeda afka Soomaaliga oo war bixin qoraal ah oo lagu daabacay boggeeda internetka lagu sheegay in Puntland tahay meel aan xasilooni iyo ammaan ka jirin.
 
Hay,adda BBC-da gaar’ahaana qaybteeda afka Soomaaliga oo waa ahaan jirta meel loo raadsado aqoonta saxaafadda ayna ka shaqan jireen khabiiro amase xirfadlayaal saxaafadeed ayaa waxaa dhawaanahanba soo ifbaxayay sidda ay hay’addu uga marantahay xirfadii saxaafadu , waxayna daabacday todobaadkii tagay warbixin ay ciwaan uga dhigeen madaxwayne:
 
“Farmaajo oo safarkiisii ugu halista badnaa ku galay buuraha Gal-gala,tan intii loo doortay Madaxweynaha DFSomalia”
 
Warbixintan oo ururka suxufiyiinta qurba jooga Puntland u bixiyeen warbixintii indho la,aanta, iyo beenta ayaa lagu buunbuuniyay awooda amase xooga ay hay’adaha argagixisadu ku leeyihiin gudaha Puntland.
 
Ujeedadda qoraalka warbixintan waxaa laga dhadhaminkaray oo kaliya.
 
1-Nacaybka ammaanka iyo dowladnimadda ka jirta deegaanadaasi.
 
2-Buunbuuninta ururadda argagixisadda iyo awaadda ay ku leeyihiin guud ahaan dalka gaar ahaana Puntland..
 
3 La’aanta xirfad qoraal saxaafadeed oo u baahan xog ogaalnimo dheeraad ah.
 
Ugu danbayntii ururka suxufiyiinta qurba joogta Puntland wuxuu aaminsan yahay in la soo gaaray xilligii qofwalba amase hay’ad walba lagu abaalmari lahaa wixii ay qabato, waxay maamulka iyo qoraha maqaalkanba gudoonsiinayaan abaalmarinta sanadkan ee hay’addii iyo wariyihii ugu qoraalka xumaa.
 
Cabdixakiin Cabdi Ismaaciil -ILKA DHAGAX-
GUDOOMIYAHA PDJ.