Video:-Taabid Oo aqbalay xilka qaadistii una hanbalyeeyay Yariisoow

Taabid Cabdi Maxamed ayaa aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow.

War Saxaafadeed uu caawa soo saaray isla markaana ku muujinayay mowqifkiisa ayuu ku sheegay Taabid Cabdi Maxamed in wax walba ay ka muhiimsan tahay ammaanka shacabka Muqdisho.

“Madaxda qaranka waa rag aan soo wadashaqeynaya halgan dheerna aan soo galnay go’aano masiiri ahna aan soo wada gaarnay,”ayuu ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku sheegay waxyaalihii dhaliyay khilaafka siyaasiga arrimo ay ka  mid yihiin Xasiloonida gobolka Banaadir oo is guud iyo si gaar ahba ugu baahan nabadoonimo iyadoo la ilaalinayo sareynta sharciga iyo shirkii wadatashiga nabadaynta iyo horumarinta  gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii Taabit ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Banaadir inay ka shaqeeyaan amniga isla markaana aan wax khalkhal ah la gelin isagoo si gaar ah u xusay in laga dulqaado ciidamada xarunta dowlada hoose.hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Gudoomiye Taabid

 

 

Halkan ka akhriso qoraal ahaan:-